7/31/2012 12:51:17 PM
Golaha ansixinta dastuurka ayaa maanta soo gebgabeeyay doodihii ay kayeelanayeen qodobada Qaar ee dastuurka iyadoo ay gudiyadu isku raaceen qodobada ugu adag ee dastuurka.
Midnimo 7/29/2012 2:45:56 PM
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ganacsatada dalka uu ku dhiira gelinayo inay sameeyaan ganacsiyo xoog leh oo lagu hormarinayo magaalada Muqdisho.
SMN 7/28/2012 6:16:27 PM
Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga UNHCR ayaa sheegtay in ay korortay tirada dadka ka cararaya dhibaatooyin ka jira Soomaaliya, kuwaasi oo gaaraya dalalka dariska ah ee Ethiopia iyo Kenya.
7/28/2012 1:17:32 PM
Dowladda Uganda ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamo cusub oo dheeraad ah ku xoojineyso ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya, kadib markii loo soo gaba gabeeyay tababari guutooyin ciidamo ah.
HOL 7/28/2012 12:50:50 PM
Hay'adda nabadsugidda DKMG ah ee Soomaaliya ayaa soo bandhigtay maanta sarkaal iyo askari kasoo goostay Xarakada Al-shabaab sida ay labadan ruux u sheegeen warbaahinta.
7/27/2012 4:00:50 PM
Shirka Ansixinta Dastuurka ee ka socday Xarunta School Polizio ayaa hakad u galay arrimo farsamo, iyadoo maanta lagu waday in maalintii saddexaad ay kulamo yeeshaan Xubnaha Ergooyinka ee ka qeyb galaya shirka lagu ansixinayo Dastuurka.
SW 7/26/2012 5:55:21 AM
Waxaa maalintii labaad galay shirweynaha lagu ansixinayo dastuurka qabyo qoraalka ah ee muranka faraha badan dhaliyay, iyadoo xubno ka badan 825-xubnood ay maalintii labaad ka doodayaan qodobo ka mid ah dastuurka.
BBC 7/26/2012 3:46:35 AM
Ergeyga gaarka ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey Augustin Mahiga ayaa sheegey in shirka Arbacada furmey ee golaha ansixinta destuurka ay ka qeyb-galayaan dhamaan dhinacyada Somalia.
HOL 7/24/2012 4:53:43 PM
Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in la adkeyn doono ammaanka guud ee Muqdisho inta ay socdaan shirarka lagu soo xulayo xildhibaannada iyo midka lagu ansixinayo dastuurka oo berri
BBC 7/24/2012 3:45:47 PM
Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka magaalada caasimadda ee Muqdisho, saacada ka hor shirka lagu ansixinaayo destuurka.
MgO 7/24/2012 2:35:48 AM
Tirada Xildhibaanada Baarlamaanka soo socda ayaa la go'aamiyay in laga dhigo 275-xildhibaan, kaddib markii ay sidaas horey u codsadeen Odayaasha Dhaqanka Soomaalida ee uu muddada shirka uga socday magaalada Muqdisho.
HOL 7/6/2012 9:59:49 PM
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan) ayaa si kulul u dhaliilay dastuurka cusub ee loo sameynayo dalka Soomaaliya, wuxuuna faahfaahin ka bixiyay qaabka uu u dhaliilsan yahay dastuurka.
7/6/2012 9:54:59 PM
Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa ka war heshay qorshe Dowladda Kenya ku damacsan tahay inay shidala uga qodato xeebta Koofureed ee Soomaaliya, iyadoo Kenya ay heshiis ku siisay labo shirkadood inay ceelal shidaal ah ka qodaan, Xeebta Koofureed ee soohdinta Kenya iyo Soomaaliya, kaasoo in dhawaalaba muran ka taagnaa.

« previous12next »