Shirka destuurka oo ka furmaya Muqdisho
Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay xoojisay
ammaanka magaalada caasimadda ee Muqdisho, saacada ka hor shirka lagu
ansixinaayo destuurka.
Waxaa la filayaa in xubnaha ergooyinka ay yeeshaan kulanka lagu ansixinayo
dastuurka cusub ee lagu wado iany Soomaaliya yeelato.
In ka badan 50 isgoysyada caasimadda Muqdisho ayaa la dhigay ciidamo booliis
ah.
Taliyaha booliiska Gobolka Banaadir, General Axmed Xasan Maalin, oo u
warramay BBC ayaa sheegey in aanay dareemin wax cabsi oo amaan xumo ah, balse ay
qaadeen talaabadani amaanka lagu sugayo shirkaasi dartiis.
Xubnaha ka kooban 825 ayaa la filayaa in sagaal maalmood gudahood ay ku
ansixiyaan destuurka.
Madaxda Somalia waxay haystaan muddo ka yar bil si ay u soo gaba-gabeeyaan
howlaha loo baahanyahay si loo soo afjaro xilliga kumeel gaarka.
Waxaa dhiman in la soo doorto baarlamaan dooranayo madaxweynaha uu dalkaasi
yeelanayo wixii ka dambeeya 20 August oo ah xilliga uu dhamanayo kumeel
gaarka.
Raisal Wasaaraha Somalia Cabdiweli Maxamad Cali ayaa sheegey in xubnaha
baarlamaanka la soo xuli doono maalmaha soo socda.